Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Warbixiniyo Xog rasmi ah: Arin layaab leh oo Muqdisho ka dhacady maxay tahay…..

Sida aan lawada socono waxaa magaalo madaxda soomaaliya ee Moqdhisho ka dhacay malintii Arbacadii ahayd weeraro qorsheesan laguna qaaday xarunta aay UNDP ee magalda muqdisho. Aan ku hormarno halaka aay ka soo kicitimeen ragii isku qarxiyay xarunta UNDP. Shabakadda Ceegaag Online oo dabagal samaysay ayaa waxaa ka soo baxay warar kala gadisan qaabka aay u galeen ciiddamadii  Alshaabaab eek u labisnaa direeska ciidamadda Dowlada. Xog aan helnay ayaa sheegaaysa in marka hore gaari noociisa ahaa Runeed uu ka soo baxay dhanka Dagmada Dayniile isgoo ugudbay Kaaraan kuna sugnaa mudo (shan saac)

Iyadoo aay xogtu sheegayso in aay Teleefon kula xiriireen meelo kala duwan waxaana mudo kadib halkaas ugu yimid gaari aay saran yihiin dadkii is qarxiyay, Wax yar kadib waxaa aay u dhaqaaqeen dhankaas iyo xarunta UNDP gaari ka mid ah gawaaridii aay wateen dadkii falkaas geestay, waxa aay ku dahwaad sadex daqiiqo doodayeen war diyaha albaabka xarunta UNDP, waxaana loo diiday in aay gudaha galaan,

 

Xogta waxa aay intaa ku daraysaa illaalda albaabka aay garayeen ilaa 4 ruux durbadiiba shakiyeen islamarkaana dib uga gurteen albaabka hayeeshee waxaa isla markiiba qaraxay garigii waxaana bilowday rasaas aay ku fureen ragii lasocday gaariga qarxay, Dhalin yarada weerarka qaaday ayaa gaarayey ilaa 7-ruuxwaxaa la tilmaamayaa in gabi ahaantoodba aay ku miineesnaayeen Bambooyin,

 

Midka mid ah ayaa isku qarxiyay gudaha xarunta, halaka aay sadex ka mid ah dhalinyarada aay ku baxeen gacanta ciidamada doowlada inata kale aay la sheegaya in aay sarnayeen garigii is qarxiyay. In  aay iska maamulanayeen ciidamada Alshabaab  gudaha xarunta waxaa ayagana banaanka ku sugnaa ciidamada maletariga dowlada iyo kuwa Amisom,

Wax yaabaha layaabka badnaa waxaa kamid ahaa Dadyoga halkaas isku qarxyay waxaa kamid ahaa Dad cadaan ah waxaa iyana howlgalka Ciidamda Dowlada iyo kuwa Amism  rag cadaan ah oo qaar kaid ah aay hubaysnayeen qaarkalana aay bixinayeen khidadiii meesha lagu gali lahaa.

Waxaa islamarkiiba sheegtay masuulaiyda weerkan Argagixisada Alshabaab.

Wax yaabaha layaabka badnaa waxaa kamid ahaa  qaar kaamid ah dadkii aan la xiriinay aya waxa aay noo sheegeen xogtan,

Shacabka degan magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka xarunta heyadda UNDP ayaa aad ula yaabay kooxdii weeraray iskuna qarxiyay xarunta heyadda UNDP kuwaas oo iska soo dhigay rag galbinaya Aroos xaafadeed waliba ciidamada dawlada ay waardiyeenayaan.

“Raga isku qarxiyay xarunta heyadda UNDP mid ka mid ah gawaaridii ay wateen waxa ay ku soo rakibeen cod baahiye u qaab eg Aroos la galbinayo waxaana horay iyo gadaal ka socday 2 gaari oo kale kuwaas oo ay saarnaayeen rag uusan afka u duubneen oo iska soo dhigay ciidamada Milatariga dawlada ayuu yiri Mursal Cismaan Eenoow oo degan dhabarka dambe ee xarunta heyadda UNDP ”

 

Ugu danbeentii, weerarka ayaa waxa uu ahaa mid ay dareemayeen ciidamada dowlada iyo kuwa Amisombalse ciladu aheyd mid aan si rasmi ah loo ogeyn halka laga soo maleegay weerarkan.

 

Xafiiska Wararka ceegaag.com
Soomaaliya-Kismaayo

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag