Madasha 60-ka oo lagu waraystay Suldaan Abibakar Cilmi ‘Waber’
Waraysi aad u xiisa badan oo Cali Xaraari lkula yeeshay Madasha 60-ka Suldaan Abibakar Cilmi Waber. Wareeysigani wuxu taabtay dhinacyo farabadan sida u jeedada dhaqdhaqaaqa, cilaaqaadka kacdoonka iyo Federaalka Soomaaliya, cilaaqaadka kacdoonka iyo Itoobiya, suldanku wuxu si cad u sheegay in aanay dhicidoonin in qabiil Soomaaliyeed qabaa’il kale ku dul noolado.
Wuxu kale uu sheegay in sida kaliya ee gobolka geeska Afriki ku xasili karo aay tahay cadaalad iyo sinaan. Mar wax laga weeydiiyay talada suldaanku u soo jeedinaayo “Somaaliland” Suldaanku wuxu yidhi waa inaay dhulkayaga nooga baxaan, kuna eekaadaan dhulkooda. Hadii aay taasi dhici weeydana Suldaanku wuxu yidhi wixii ka dhaca iyakaa masuul ka ah. Sidoo kale Suldaanku wuxu sheegay in kooxda isku sheegta Soomaaliland aay gar daro ku hayaan qabaa’ilka jaarka la ah. Waxa kale uu tibaaxay in sababta ugu weeyn ee uu duhurka u galayna aay tahay badbaada dadkiisa.
Ceegaag.com
Figradihiina