Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xafladii Reer Minnapolis kusoo dhaweeyeen musharax MDFS Bashiir Xaaji Cali (Jamaal)

Xaflad aad u balaadhan oo lagu qabtay Hetel Delta Marriot ee magaalada Minnapoils gobolka Minasota ayaa lagusoo dhaweeyay Bashiir Xaaji Cali (Jamaal) oo u sharaxan jagada madaxwaynaha Soomaaliya 2021. Xaflada waxaa xidhiidhinayay Sadiiq Cabdi Yuusuf


Sadiiq Cabdi Yuusuf

isaga oo ugu horayntiiba kusoo shaweeyay sheekh Maxamed Hanbaase.

Sheekh Maxamed Hambaase ayaa dadkii xaflada isugu yimid ku booriyay inay san dayacin masuuliyada Ilaahay saaray siiba amaanada noocyadeeda kala duwan sidoo kalena kula dardaarmay musharaxa inuu isna ogaado musuuliyada amaanada.

Daawo kalmadii sheekha.


Sheekh Maxamed Hambaase

Waxaa isna goobta ka hadlay Suldaan Xasan Suldaan Maxamuud Aw Cilmi isaga oo sheegay inuu Jamaal caan ku yahay dhismaha shacabka balse uusan ahayn nin burburiye ah. Waxa kale oo uu sheegay inuu goob joog ka ahaa sidii uu uga qayb qaatay dhismihii Jubaland, ugu danbayna dadka goobta ku dhiiri galiyay in ay musharax ku taageeraan dhaqaale wixii ay awoodaan.

Daawo kalmadii


Suldaan Xasan Suldaan Maxamuud Aw Cilmi

Waxaa isna goobta ka hadlay Suldaan Anwar Bulqaas isaga uu ka hadlay hogaan la’aanta haysata Soomaaliya uuna doonayo dib u heshiisiin dhaba oo laga sameeyo dalka taana uu ku arkay ajandaha Bashiir sidaana uu ku taageeray musharax nimadiisa. waxaana hadaladiisa kamid ahaa.


Suldaan Anwar Bulqaas

Daawo

Waxaa goobta isna ka hadlay Suldaan Cabdikariin Suldaan Degal waxaan hadaladiisa ka mid ahaa inuu ugu hanbalyeeyay musharax Bashiir Xaaji Cali hankiisa isaga oo sheegay in wadanku hogaan fiican u baahan yahay Jamaal na uu kasoo jeedo dadkii usoo halgamay Soomaaliya isaga ku booriyay musharaxa inuu waxa ka qabto xaalada dalka hadii ay golaha shacabku u shaqaaleeyaan shacabka Soomaaliyeed.


Suldaan Cabdikariin Suldaan Degal

Daawo kalmadiisa

Waxaa isna goobta ka hadlay Liibaan Maxamed Xuseen oo ah gudoomiyaha Koonfur Galbeed, shacabka asal ahaan kasoo jeeda ee Soomaalida ah ee ku dhaqan magaalada Minnapolis.


Gudoomiyaha shacabka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Ameerika
Liibaan Maxamed Xuseen

Daawo Kalmadiisii.

Waxaa kale oo goobta ka hadlay Aaden Ugaas Xuseen Ugaas Baqow waxaana hadaladiisa kamid ahaa inuu Hiil iyo Hooba la garab taagan yahay musharax MDFS Bashiir Xaaji Cali.


Aaden Ugaas Xuseen Ugaas Baqow

Daawo Aadan Baqow.

Waxaa iyana goobta ka hadashay Marwo Xaliimo Cali Caynte waxaana hadaladeeda ka mid ahaa


Marwo Xaliimo Cali Caynte

Daawo.

Waxaa goobta ka hadlay Abwaan Cusmaan waxaana sugaantiisa ka mida ahaa.


Abwaan Cusmaan

Daawo

Waxaa isna goobta ka hadlay siyaasi AJ Cawad waxaana hadaladiisa kamid ahaa.

Musharax Duqa magaalada Minnapolis


AJ Cawad

Daawo

Waxaa iyana goobta ka hadashay Marwo Xiis Warsame oo aqoon dheer u leh Musharaxa waxaana hadaladeedii ka mid ahaa.


Marwo Xiis Warsame

Daawo

Waxaa isna goobta ka hadlay Boqor Xuseen Axmed Cali (Dabagooye) waxaana hadaladiisa kamid ahaa. Daawo


Boqor: Xuseen Axmed Cali (Dabagooye)

Daawo

Waxaa isna goobta ka hadlay Gudoomiyaha shacabka Galmudug ee Soomaalida ku dhaqan waqooyiga Ameerika mudane Cabdi Xaashi waxaana hadaladiisa ka mid ahaa.


Mudane Cabdi Xaashi

Daawo

Waxaa isna goobta ka hadlay Mudane Cali Axmed Ducaale (Cali Bustaale) oo ka hadlay taariikhda musharaxa waxaana hadaladiisa kamid ahaa.

Daawo…

Ugu danbayn waxaa goobta ka hadaly musharax Bashiir Xaaji cali isaga oo si faahfaahsan uga hadlay qorshihiisa uu ku hagi doono Soomaaliya afarta sano ee fooda inagu soo haya. Waxaa uuna yidhi.

Daawo qaub kamida Sawiradii goobta bilowgeedii

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply