Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

URURKA CEEGAAG COMMUNITY ACTION (CCA) OO RAASHIN U QAYBIYAY 29 QOYS OO HAYA …

URURKA CEEGAAG COMMUNITY ACTION (CCA) OO RAASHIN U QAYBIYAY  29 QOYS OO HAYA …

Ururka Ceegaag  Community Acation oo xarumo kala duwan kuleh wadanka gudahiisa iyo dibadisa ayaa raashin deeq ah gaarsiiyay Dagmada Ceegaag.

Raashinkan oo looqaybiyay qoysas gaaraya ilaa 29tan qoys oo danyara islamarkaana haya dad xanuunka dhimirka qaba iyo qaar dad indhala haya qoysaskan oo aanan awood buuxda ulahayn inay dadkaa gargaarka caafimad iyo midka darleey oo ay ubaahan yihin wax ka qabtaan, sidaa darted cabashada dadkaa ayaa waxaa loo soo gudbiyay Ururka Ceegaag Community Action kaasoo ku caan baxay u gargaarida ama caawinta dadka danyarta ah ama wax kaqabadka horumarka bulshada ururkan oo horay wax uga soo qabtay deegaanka Ceegaag, sida waxbarashada, Sportiga iyo dadka danyarta ahba waxyaabaha lagu xasuusto ama aanan lagu halmaami doonin waxaa kamida qoys ay ka xanuunsanayed dad gaaraya ilaa 4ruux oo xanuunka dhimirka qaba hadana aanan  haysan Guri lagu hayo qaarkoodna ku xir xirna meel duur ah iyagoo rag iyo dumarbaleh  kadibna uu Ururku  u dhisay labaqol oo dhagax ah,

CCA waxaa la aasaasay 01.07.2015kii kadib markay si aada usoo bateen baahiyaha kala duwan ee deegaanada SSC laysku yiraahdo kajira kuwaasoo kadhashay colaadaha ragaadsaday lana haray horumarkii deegaanka iyo waxyaabihii ay bulshadaasi xaqa ulahayd oo anaysan helin.

Waxaa jira dadbadan oo  danyara hadana haya dad xanuunsan aysan awood ulahayn inay daweyan, sidokale waxaa jira qoysas aanan haysan hoy wanagsan oo ay ku noolaadan, waxaa kalojira qoysas aanan awood ulahayn inay ubadkooda waxbarashada kabixiyan deegaanadani mahaystan maamulo si hoose uga warhaya nolosha bulshada iyo xaaladaha kala duwan oo ay ku nool yihin waxadba moodaa nolosha shacabku inay ku socoto laba dabaqadood oo kala ah dad sabool ah iyo dad hantiilayaala meesha waxaa kasii baxaya dabaqadii dhexe, sidookale majiraan wax hay ado ah loo la orankaro sidii loogu talagalay ayay bulshada ugu adegan marka laga rebo magaalooyinka waawayn oo aad mid iyo labo aad ku arkayso dhibaatooyinka ugu badani waxay kajiran dadka tuulooyinka dagan ama magaalooyinka laamiga ka leexsan, qoraalkani wuxuu kamid yahay warbixin dheerayd oo ay soo qoreen ururka CCA, kaasoo ay kusoo bandhigayeen baahida dhabta ah ee deegaankaas kajirta iyo sababaha keenay in ururkan ladhiso.

Sida warbixinta lagu soo gaarsiiyay warbaahinta Ceegaag.com ayaa sheegaysa inuu urukan guud ahaanba deegaanada SSC kahawl geli doono marma inta ay awoodiisu gaadhana wax kaga qaban doono baahiyaha dadka danyarta ah ee aanan hoos loo eegin iyo horumarinta bulshada tiirarkooda aasaasiga ah.

Wixii kaloo intaa kadheeri ahna gadaal Ayaan idinkala soo socod siin doonaa.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply