Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Tartanka ciyaaraha Kubada Cagta kooxaha Heerka koowaad oo Kismaayo ka furmay

Tartanka ciyaaraha kooxaha heerka koowaad ee magaalada Kismaayo oo uu soo qaban qaabiyey maamulka Jubbaland ayaa ka furtay garoonka kubadda cagta Waamo ee magaalada Kismaayo, waxaana furitaankiisa kasoo qayb galay masuuliyiin katirsan maamulka Jubbaland, maamulka degmada Kismaayo iyo xubno ka socday ururada bulshada rayidka ah.

Ciyaarahaaan oo uu soo abaabulay maamulka Jubbaland isla markaana loogu tartamaayo ah koob maamulku dhigay ayaa waxaa ku loolami doona shan kooxood oo kala metelaaya shanta xaafadood ee magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Maxamuud Yuusuf oo tartarkaan uu soo qaban qaabiyey maamulku daah furay ayaa sheegay in arrintaan ay uga gon leeyihiin is dhexgalka dhalinyarada isla markaana ay sii socon doonaan.

Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland Cabdulqaadir Maxamed Lugadheere oo munaasabadda daah furka ah ka hadlay ayaa sheegay in maamulka Jubbaland uu gacan weyn ka geysan doono barnaamijyada lagu soo celinaayo is dhexgalka dhalinyarada.

Intaasi kadib ayaa waxaa furmay tartanka waxaana lagu daah furay ciyaar dhexmartay kooxaha Guulwade iyo Farjano, ciyaartaasi ayaa kusoo dhamaatay 3:1 ay guushu ku raacday kooxdii metelaysay xaafadda Guulwade ee magaalada Kismaayo.

Ceegaag Onlian

Xafiiska Wararka Kismaayo-Somala

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply