Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Jamaadeey ku soo dhawoow Soomaaliya

Jamaad waa gabar Soomaaliyeed, waana gabar Reer Puntland ah oo u timid in ay ka qeyb qaadato waxbaridda carruurta agoonta ah, iyada oo fureysa iskuul gaar u ah carruurta agoonta ah.

Jamaad oo lagusoo dhaweeyey shalay garoonka Garoowe, waxaa ay mudnayd in intaa ka ballaaran loosoo dhaweeyo oo looga mahadceliyo isxilqaanka ay dadkeedii iyo deegaankeedii ay asal ahaan kasoo jeedday wax u qabato, balse dhallinyaro warbaahinta u badan ayaa kamid ahaa dadkii soo dhaweeyey.

Jamaad oo ku dhalatay Mareykanka waxa ay caan ku tahay ciyaaridda kubbada kolayga, waa kabtanka qaranka Soomaaliya ee haweenka kubbadda koleyga, sidoo kalena waa kabtanka kooxda Emmanuel College. Boggeeda waxaa astaan u ah “Muslim Basketball Player”Ciyaaryahannada caalamku waxa ay ka qeybqaataan arrimaha samafalka, waxaana qaar ay kamid yihiin hay’adda UNPD, WFP. Ciyaartoydaas waxaa kamid ah Zidane, Ronaldo Delima, Beckham, Casillas iyo laacibiin kale.

Sababta ciyaaryahannadu arrimaha bulshada uga qeyb qaataan ayaa ah in taageerada ay bulshada ku haystaan loo adeegsado in lacago loogu ururiyo masiibooyinka kala duwan ee dhaca.

Jamaad waxa ay noo timid xilli dunidu culeysyo badan ka jiraan, gaar ahaanna innaga waalidiin badan ay imika awoodi kari la’yihiin in ay bixiyaan lacagaha waxbarashada sababo la xiriira sicir bararka jira iyo waxbarashadii oo imika loo arko il dhaqaale laga sameeyo.

Dhanka kale Jamaad waxa ay safiir u tahay dhallinyaro badan oo dibadaha ku dhashay, kuwaas oo asal ahaan kasoo jeeda Puntland, kuwaas oo jecel in ay ka qeyb qaataan caawinta iyo horumarinta arrimaha bulshada.

Dalalka burbura waxyaabaha ay kusoo kabtaan waxaa kamid ah qurba joogta dalkaa u dhalatay sida ay uga qeyb qaataan dhisidda dalkooda. Waxaana kamid ah kaalinta ay qurbajoogga Turkishka ah ay ka qaateen dib u dhiska dalkooda oo maantay kamid ah 20 dal ee dunida ugu dhaqaalaha sarreeya adduunka.

Sidoo kale waxa aan isla wada qirsannahay tan iyo burburkii illaa hadda in qoysas badan noloshoodu ay ku tiirsantahay taageero dhaqaale oo ay ka helaan eheladooda qurbaha ku nool.Mar kale soo dhawoow baan leennahay Jamaad, dalku waa dalkaagii, dadkuna waa dadkaagii.

WQ: Cabdullaahi Bootaan.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply