Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Garoonka kubbada Cagta ee Magaalada Kismaayo Oo dib loo dayactiray iyo wafdi booqday….(DAAWO SAWIRRADA)

Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf (Timojilic) ayaa soo kormeeray garoonka kubadda cagta ee Kismaayo, kaasoo maalmihii u danbeeyay lagu waday howlo dayactir ah.

Garoonkan oo lagu magacaabo Waamo Studium, islamarkaana ah garoonka ugu weyn ee Jubooyinka ayaa burbursanaa tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee Soomaaliya waxaana dayactirkani uu noqonayaa kii ugu weynaa ee lagu sameeyo tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii dowladii hore ee dalka.

Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxa garoonka kusoo wareejiyay islamarkaana warbixin ka siiyay xiriirka kuabadda cagta ee gobolka J/hoose, waxaana uu booqday dhamaan qeybaha dayactirka lagu sameeyay ee garoonka.

Xoghayaha xiriirka kubadda cagta ee gobolka Axmed Faarax Taqal ayaa wafdiga uga warbixiyay howsha dhismaha, isagoo ka codsaday maamulka in uu gacan ka siiyo dib u howlgelinta garoomadii kala duwanaa ee ku yaallay degmada Kismaayo.

Gudoomiyaha oo ugu danbeyntiii hadlay ayaa u mahadceliyay dowladda Ingiriiska oo bixisay qandaraaska lagu dhisayo garoonka, isagoona ugu baaqay injineerada wada howsha dhismaha in ay si fiican howshooda u gutaan islamarkaana ay si fiican uga taxadaraan cabirka garoonka iyo qeybta dadweeynaha.

Dib u dhiska garoonka ayaa kamid ah barnaamij horumarineed ee ka soconaya degmada Kismaayo, iyadoo ay xusid mudantahay in dayactir lagu sameeyay xarumo ay kamid yihiin, Madaxtooyada, Garoonka diyaaradaha, Bankigii dhexe ee dalka iyo weliba qaar kamid ah xarumihii dowladii hore ee Soomaaliya.

DAAWO SAWIRRADA:


Ceegaag Online 

Xafiiska wararka Kismaayo-Somalia

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply