Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Doowo Xaflada Dib u Furida Madjid Al-Rawdaha Boston Dayactir Dabadeed

Xaflad diimeed lagu maamusayay furitaanka qaybta 1aad ee masjid Al-rowda ayaa maanta ka dhacday isla Masaajidkaa oo ku yaala magaalada Boston ee carigan dalkan Maraykanka. Masaajidka oo Soomaalidu milkiyadiisa lawareegeen dhamaadka bishii December 2017 ayaa Dayactir qaatay mudo sadex sitimaan ah lagu sameeyay qaybtiisa musalaha. Shaqada dhismaha masaajidka ayaa la’hakiyay kadib markii ay ina soo qaabishay bishii barakaysneed ee Ramadaan.

Xaflada ayaa waxaa furay Madaxwaynaha Masaajidka Cabdulqaadir Faarax ‘Barbaraawi” isaga oo u mahad celiyay dadwaynaha ka qayb qaatay dakhliga dhismaha iyo waliba iibinta buqcada masaajidka tasoo ah mid farxad galisay shacabka isugu yimid madashaa oo ahayd mid agaasinkeedu aad u sareeyay.

Waxaa ayadaha quraanka ku furay Macalin Cabdixafiid oo ah macalin dhalinyaro ah barana quraanka kariimka ubadkeena soo koraya daawo aqriska Ayadaha Quraanka kariimka.

Waxaa kalmadii furitaanka soo jeediyay Cabdulaahi Gurxan oo kamida odoyada magaalada Boston isaga oo u mahad celiyay dadaalka ay muujiyeen gudiga masaajidku iyo sida shacabka Soomaaliyeed ee degan magaalada Boston ugu soo kordhiyeen Bayd ILAAHAY mudo kooban oo labo sano ah waxaana haladadiisii kamid ahaa.

Waxaa iyana qudbad gaaban oo wacyi galin ah soo jeedisay Madaxa Haayada RIAC Maryan Gaas waxaana ay tidhi.

 

Waxaa Qudbad soo jeediyay Imaamka Masaajidka Sheekh Maxamed Fawsi  kalmadaa wacyigalint ah ayaa waxa uu cinwaankeedu ahaa ‘sida uu islaamku u karaameeyay haweenayda islaamka ah’. waatan ee daawasha wacan.

 

Sidoo kale waxaa isna kalmad gaaban oo ka hadlasa muhiimada Quraanka kariimka ah,  soo jeediyay madaxa dacwada ee masaajidka Sheekh Muuse Ashcari ee daawasho wacan.

Waxaa isna qudbad wacyi galin ah kuna baxasay luqada Ingiriiska soo jeediyay aqoonyah Saciid oo ku tirtir siiyay dhalinta inay ka fiirsadaan go’aanada ay noloshooda ka gaadhayaan kuwaa soo ku ridi karahogdheer oo ay adkaan doodo inay kasoo baxaan waxaana haladaldiisa kamid ahaa.

Waxaa isna qudbad soo jeediyay Madaxa dugsi Quraanka Sheekh Muxumed isaga oo ka hadlay faa’iidooyinka sadaqada waatan ee daawo

Waxaa isna qudbad ka hadlasa wanaaga wadajirka shacabka iyo katalinta aayaha ubadka iyo isku xidhkooda kasoo jeediyay Sheekh Dr. Maxamed Shaakir waxa uuna yidhi

Waxaa iyana ka hadashay Hooyo Xaliimo oo iyadu tidhi waa in aynu u istaagnaa xaalada wadankeena garabna istaagnaa dawladeena iyo ciidankeena waxaana haladaldeedii kamida.

Waxaa soo afmeertay hadalka Hooyo Canab Cabdulqaadir oo u mahad celisay Dhalinta Gudida iyo Mashaa’ikhda waxaana hadaladeeda kamid ahaa.

Xuseen Fiin

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply