Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Cayaaraha Kubadda Cagta ee Jaamacadda Muqdisho sanad waxbarashadeedka 2014-2015 oo bilawday

Taariikhdu markay ahayd 17/11/2014 ayaa waxaa ciyaaraha kubadda cagta ee jaamacada muqdisho ka bilawdeen garoonka kubadda cagta ee minashiibiyo ee magaalada muqdisho.

koob loogu magacdaray Dr. Axmed Jimcaale Maxamed (KAASTARO) oo ay ku tartamayaan dhamaan kuliyadaha kala duwan ee ay jaamacadda muqdisho ka koobantahay ayaa si rasmi ah uga bilawday magaalada muqdisho.

Furitaankii koobka waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin kala duwan ka kala socday xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, Mas’uuliyiinta Jaamacadda Muqdisho iyo kooxda martida loo ahaa ee Banaadir Sports.

Mas’uuliyiintii ka hadlay furitaanka koobka waxaa ka mid ahaa madaxa sportiga jaamacadda muqdisho Daa’uud Muuse Daa’uud oo sheegay in jaamacadda Muqdisho oo aysan ahayn markii ugu horaysay ee ay ciyaaro qabato waxuuna kula dardaaramay inay soo bandhigaan cayaar ay ku dheehantahay aqoon iyo anshax, waxaa isna kalimad mahadnaq iyo soo dhawayn isugu jirto halkaa soo jeediyay mudane Abuukar Sheekh waxuuna u mahad noqay jaamacadda Muqdisho oo markasta kashaqaysa isdhaxgalka bulshada iyo horumarinta shacbiga soomaaliyeed.

Gabagabadii waxaa goobta ka hadlay masuulka arimaha ardayda ee Jaamaacadda Muqdisho mudane Maxamuud Sheekh Cali Cabdullaahi ayaa sheegay in ujeedada ugu wayn ay jaamacaddu kaleedahay ay tahay in lasoo saaro cayaaryahan kadhisan dhinaca aqoonta iyo anshaxa wanaagsan, waxana furitaankii halkaa kaga dhawaaqay masuulka arimaha ardayda.

waxaana cayaartii ugu horaysay ee koobka lagu furay ay noqdeen labada kooxood ee kakala socday kuliyada caafimaadka iyo kuliyada dhaqaalaha, waxayna ciyaartaasi kusoo idlaatay oo ay isla dhaafi waayeen 1-1 ama barbardhac.

 

xafiiska xiriirka guud iyo warfaafinta:

Jaamacadda Muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply