Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Bayaan Kasoo Baxey Golaha Guurtida Ee Khaatumo State

Dawlad Goboleedka Khaatumo ee Soomaaliya
Golaha Guurtida
Qoraal ka soo baxay: January 21, 2018

Waxaa la joogaa waqtigii Xoraynta iyo Aaya ka tashiga Gobollada SSC (Khaatumo)
Ismiidaamintii aan loo meel deyin ee ay ku keceen maleeshiyaadka beelaha Woqooyi Galbeed ee Soomaaliya (WGS) kuna qaadeen deegaanka SSC ee Tukaraq oo ay  joogeen ciidan ka tirsan maamulka Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya, oo aan qudhiisu wax dan ah meesha ugu hayn dadka SSC, ayaa bilaw u ahayd xadgudubkan cusub iyo dhibaatada lagu hayo dadka iyo deegaannada SSC ee Soomaaliya. Ka dib markii ay maleeshiyaadka (WGS) la wareegeen caasimadda deegaannada SSC ee aan markaa difaaca lahayn ee Laascaanood toban sano ka hor; iyo dagaalkii ay ku ceeboobeen ee sida xun loogaga adkaaday Kalshaale dhawr sano ka dib, weli waxaad mooddaa inayan fahmin beelaha woqooyi galbeed in dadku ay xaqooda u dagaalamayaan, difaacanayaan una dhimanayaan.

Daandaansigan cusub wuxuu baraarug u yahay dadka SSC inay ka hortagaan oo iska caabiyaan ciidamo beeleedkan ku soo duuley iskana xoreeyaan si ay aayahooda uga tashadaan. Markanna  waxaa la joogaa waqtigii ay ku haboonayd in inta rumaysan sharafta iyo xaqqa dadka iyo deegaanka SSC iyo midnimada Soomaaliya ay ka jawaabaan war murtiyeedkii ay u dhamaayeen Golaha Dhaqanka Khaatumo (SSC) iyo hadalkii cuslaa uu Garaadka Mandaqada Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Kajeediyey saxaafada ee ku aaddanaa in loo midoobo xoraynta iyo aaya ka tashiga dadka iyo deegaannada SSC.

Si loogu midoobo xoraynta iyo aaya ka tashiga dadka SSC, waxaa lagama maarmaan ah in meel looga soo wada jeesto oo  la iskaga qabto canaasiirta yar ee calooshooda u shaqaystayaasha ah ee Khaatumo ku abtirsan jirey haddana ku hawshan sidii ay deegaanka dhexdiisa uga abuuri lahaayeen ciidamo cadowga u shaqeeya oo dadka kala qaybiya. Waa in qori dheer la iskaga fogeeyo oo aan loo ogolaan inay canaasiirtani kala dhantaalaan midnimada ka muuqatta dhammaan shacabka, golaha dhaqanka, golaha guurtida, siyaasiyiinta, qurbajoogta, yo waxgaradka SSC.

Maamulka Puntland oo madaxdiisii hore la shaqaysan jireen ciidamma beeleedka WGS waxaa manta la dul fadhiyaa oo khattar cad ku jira caasimadoodii Garoowe. Waxaa la joogaa waqtigii ay maamulka iyo shacabka Puntland difaacan lahaayeen caasimadooda iyo deegaannadooda. Waxaa kale oo u haboon maamulka Puntland inay taageeraan rabitaanka iyo xaqqa aan la duudsin Karin ee ay u leeyihiin dadka dega SSC inay aayohooda ka tashadaan oo dhistaan dawlad goboleed ay leeyihiin sida ku cad dastuurka Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo la joogaa waqtigii ay Dawladda Federalka Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedyada Soomaaliya oo dhan ay mawqif cad ka qaadan lahaayeen gardarrada, dagaalka  aan laga fiirsan iyo khalkhal-gelinta amniga deegaannada SSC ee ay wadaan maleeshiya beeleedka WGS. Waxaa kaloo haboon in ay af iyo addinba ku taageeraan dadka SSC xaqqa ay u leeyihiin inay aayohooda ka tashadaan iyo  inay u dhimaynayaan maalin walba sidii lagu ilaalin lahaa midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

Waxaa nasiib darro, ceeb iyo foolxumo ah in Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta dalka (Muxaafid & Mucaaradba) ay ka aamusan yihiin shaqaaqada iyo dagaalka qabiilaysan ee ay ka wadaan beelaha WGS deegaannada SSC iyagoo ku mashquulsan sidii maamul loogu dhisi lahaa dadka dega caasimada Soomaaliya ee Muqdisho; isla markaana aan u jeedin xaqqa ay u leeyihiin dadka dega SSC inay maamul dhistaan oo aayohooda ka tashadaan kana mid ahaadaan dawladda Soomaaliya taasoo lagala horjoogo oo loogu diiddan yahay qori caaraddiis.

Qoraalkan waxaa soo saaray Golaha Guurtida Dawlad Goboleedka Khaatumo ee Soomaaliya (SSC).

“Golaha Guurtidu waa odayaasha iyo aqoon-yahannada ugu tunka weyn deegannada Sool, Sanaag iyo Cayn ee Soomaaliya. Waxay ka shaqeeyaan danaha siyaasadda iyo u-doodidda xuquuqda dadka iyo deegaannada SSC.”

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply