Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Naadiga  Pen oo Munaasabad isugu jirtey  Xus iyo Xasuus u Sameeyey Qoraagii Dr Cabdiraxmaan Abuu Xamza.

Naadiga  Hal Abuurka iyo Qalimaalka Soomaaliyeed ee Koonfurta iyo Bartamaha ee Pen ayaa Munaasabad isugu jirtey Xus iyo Xasuus u qabtey  Qoraagii Soomaaliyeed  Alaha u Naxariistee Dr Cabdiraxmaan Xuseen Samater ( Abuu Xamza) oo 4 Bishaan ku geeriyoodey Magaalada Nairoobi, Munaasabadaan oo ka dhacdey Magaalada Muqdisho waxaana ka qayb galey Munaasabadaas  Qoraayaal, Akadeemiyada Afka Somaaliga ee AGA, Culimaudiin, Nabadoono , Dhalinyaro iyo Haween.

 Xubnihii ka Hadley Xuskaas iyo Xasuustaas  loo sameeyey Abuu Xamza  Qoraa Cabdulaahi Maxamed Sheegow oo muddo soo wada Shaqeeyeen waxaana Halkaas ku soo bandhigey Buugaagtii uu qoraey Qoraaga kuwaas uu sheegey in wax badan uu ka Faaiidey waxaa intaas sii raaciyey “Waxaan idiin ku baaqayaa in aad ka faaiideysataan Dhaxalka uu idin reebey Abuu Xamza oo aan ku tilmaami karo Shaqsi  Nafrtiisa u Hurey ummada Soomaaliyeed .

Munaasbadaas waxaa kaloo ka Hadley Gudoomiyaha Naadiga Pen ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya  Cabdinaasir Yusuf Macalin Xuseen waxaana uu ku dheeraadey Taariikhdii Qoraaga Abuu Xamza, waxaa uu intaa ku darey “Naadiga Pen waxaa  ka Go;an in Munaasabad u qabto Cid kasta oo Bulshada u reebta wax Dhaxal Gal ah  sida Dr Cabdiraxmaan Abuu Xamza oo qorey ku Dhawaad 40 Buug”

Waxaa Taariikh nololeedkii iyo waxqabadkiisa soo bandhigay Agaasimaha Machadka ISOS Ustaad Mustafa Cabdullaahi Fayruus oo ku tilmaamay inuu marxuumku ahaa Shaqsi  ummada Soomaaliyeed u reebey Dhaxal wax badan laga Faaiidey isagoo sheegey inta ugu badnaydna lagu xusuusan doono kaalintii uu kulahaa arrimaha Bulshada, Sidoo kale waxaa uu Qoraaga uu ka tagey Dardaaran isugu jirey Buugaagtii uu  qorey iyo mid uu u jeediyey Culimada Soomaaliyeed iyo Aqoonyahanka  Halkaan ka Akhriso Taariikhda Qoraa Cabdiraxmaan Xuseen Samater ( Abuu Xamza).

 

TAARIIKH-NOLOLEED KOOBAN

 

Sheekh Cabdiraxmaan Xuseen Samatar wuxuu ahaa qareen sharciyaqaan ah; sheekh ku xeeldheer culuumta Islaamka; qoraa ka qoray arrimaha Islaamka, taariikhda iyo xaaladaha Soomaalida iyo Geeska Afrika in ka badan 50 qoraal.

Sheekh Cabdiraxmaan Xuseen oo lagu naanaysi jiray {Abuu Xamsa}, waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sanadkii 1936. Heerarka kala duwan ee waxbarashadiisa waxa uu ku qaatay dalka Sacuudiga muddadii u dhexaysay 1953 ilaa 1966.

Waxa uu shahaadada heerka jaamacadda ka qaatay Jaamacadda Imaam Maxamed Binu Sucuud, ee ku taal Riyaad; oo markaas la oran jiray kulliyadda Culuumta Sharciga.

Waxa uu ka soo shaqeeyay shaqooyin dhowr ah, waxaana uu soo qabtay xilal kala duwan. Waxa uu shaqada garsoorka bilaabay 1967 ilaa 1981. Waxaana uu ka qabtay xilal kala duwan, ilaa uu noqday guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, ka dibna La-Taliyaha Maxkamadda Sare.

Ka dib waxa loo wareejiyay xafiiska Raabidada Caalamka Islaamka ee Soomaaliya (رابطة العالم الاسلامي) 1981 – 2003; waxaana uu ka soo qabtay xilal kala duwan, ilaa uu noqday agaasimaha xafiiska.

Waxa uu shaqada hawlgab ka noqday Maarso 2003.

Sidoo kale, waxa uu bare sare ka ahaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, kulliyadda Afafka muddadii u dhexaysay 1981-1990.

Xilligan dibudhiska dawladda soomaaliyeed, waxa uu qareen Cabdiraxmaan Xuseen xubin ka ahaa Golaha Adeegga Garsoorka ilaa Maarso 2015.

Dhanka Ururada Bulshada Rayidka, waxa uu sheekh cabdiraxmaan sannadkii 1995 aasaasay Hay`adda Qaxootiga Soomaaliyeed ee Caalamka (Human Rights Commission for Somali Refugee in the World – HURCOS). Hay`addani waxay shaqaynaysay muddadii 1995 – 2012.

Dardaaran

Sheekh Cabdiraxmaan Xuseen (AbuuXamsa)

1936 – 2018

 

Anigoo ah qoraa waayo-arag ah, magacaygu yahay Sheekh Cabdiraxmaan Xuseen (AbuuXamsa). Waxaa ii soo dhowaaday safarkii aan laga soo noqonaynin; markaa waxaan goostay inaan dardaarankan ugu naseexeyo saxiibbaday iyo akhristayaasha kutubtayda, iyo cid kasta oo danaynaysa geeddi socodka taariikhda ummadda Soomaaliyeed iyo xaaladihii kala duwanaa, ee xagga taariikhda, dhaqanka diinta iyo culimadii wax ka qoray arrimahaas.

 

Anigoo ka mid ah qorayaashii arrimahan ka hawlgalay, laga bilaabo lixdameeyadii qarnigii laga soo gudbay ilaa 2016, waxaan qoray kutub, maqaallo iyo muxaadarooyin ilaa 50 kor uu dhaafaya. [Faahfaahinta ka fiiri lifaaqa].

 

(1)Waxaa jiray inaan dhacdooyinka Soomaalida ka dhaca qori jiray maalin kasta, laga bilaabo lixdameeyadii qarnigii 20aad. Markii lasoo gaaray 2016, waan xanuunsaday, waanan gaboobay; markaa waxa qasab igu noqotay inaan kari waayo hawshii qoraallada. Waxaanu sheegay qaar badan oo saaxiibbaday ah, oo la socday dhacdooyinka aan qoro. waxaan codsaday in hawshi halkii aan ka waday ay kasii wadaan. Waan waayay qof qaabila.

 

Waxa qasab igu noqday inaan sanadkan 2016 ku joojiyo la socodka dhacdooyinka Soomaliya anigoo [aan] raalli ka ahayn.

Hadaba, waxaan kula dardaarmayaa dhamaanba aqoonyahanka Soomaaliyeed inay iska xilsaaraan inay diiwaangeliyaan, waxna ka qoraan dhacdooyinka maalinlaha ah ee hareerahooda ka dhacaya.

 

 (2)Waxaa kale oo [aan] ka damqaday sida loo baylihiyay ama loo dayacay dadaalkii weynaa ee culumada Soomaalida ee wakhtigan noolaa, [iyo] kaalinta ay ka qaateen dhismaha Soomaalida cusub: xagga qarannimada, maskaxda, dhaqanka Diinta iyo jihaadkii loogu jiray dhisidda iyo aasaaska iyo curinta umadnimada Soomaaliyeed heerarkii kala duwanaa [ee] ay soo martay. Heer kasta waxaa jiray culimo badan, kana qaadanaysay kaalintooda hadba heer ka lamarayo ee munaasibka ah.

Markii baraarugga ama saxwada Islaamku bilowday, culimo kala duwan ayaa kaalin ka qaatay faafinta iyo cusboonaysiinta culuumta Islaamka, sida: cilmiga Tafsiirka, Axaadiista, Fiqiga, Siirada, cilmiga tajwiidka iyo Culuumta Islaamka oo badan.

Markii la gaaray duubidda culuumta iyo aqoonta, oo guud ahaan cajalado lagu duubay, waxaa kaalinka qatay culumo Soomaaliyeed oo iska xilsaaray inay culuumta Diinta cajalado ku duubaan.

 

Markii la qoray AfSoomaliga 1972 ee koox kastaa ay qortay cilmiga ay taqiinnay, sida sheekooyinka, gabayada iyo siyaasadda; culumadiina waxay AfSoomaali ku qoreen culuumta Islaamka, sida: Tafaasiirka, Axaadiista, Cilmiga Fiqiga, Dhaxalka, Siirada iyo Culuumta Islaamka oo badan, si ay dadka u fahamsiiyaan Diintooda oo ku qoran afkooda hooyo.

 

Culumadan oo badan, waxaan gaar u xusayaa Sheekh Maxamuud Maxamed Cabdi (Jabane), oo haddaba jooga Nairobi, wuxuu AfSoomali ku qoray Tafsiirka Quraanka Kariimka. Inkasta oo uu dhibaato kala kulmay culumada qaarkood, oo diiday in Tafsiirka Quraanka Ilaahay lagu qoro xuruuf Laatiin ah. laakiin markii dambe wuu ku guulaystay inuu soo saaro kitaabkii ugu horreeyay ee Tafsiirka Quraanka ah oo AfSoomaali ku qoran, haddana aad loo akhristo.

 

Wakhtigaan hadda ah oon ku jirno qarnigii 21aad, waxaa lagu soo bandhigaa aqoonta shaashadaha TVyada, website-yada, internetka……. culumadu waxay qayb libaax kaga jiraan bandhigga Culuumta Islaamka.

 

Sidaa daraadeed, waa inaan la dhayalsan ama lagacan bidixayn kaalinta culumadu kaga jirto dhismaha Ummadda Soomaliyeed iyo midnimadeeda. Maxaa yeelay, xabagta isku xirta ama isku haysa midnimada Soomaalida ee dabiiciga ah waa saddex tiir, oo kala ah: afkahooyo, Islaamnimada iyo dhaqanka. Haddii mid la waayo, ma jirayso ummad Soomaaliyeed.

 

Culumada Soomaaliyeed waxaan kula dardaarmayaa inay xil joogto ah iska saaraan sidii ay dadkooda Soomaaliyed u barilahaayeen Diintooda Islamka, iyagaoo mar walba ka faa`iidaysanaya qalabka iyo farsamada xilligaas ku munaasibka ah.

 

(3) Waxaan hayaa kooxo kutubbo [ah], oo uqaybsan kuwo Islaami ah oo waaweyn iyo kuwo aan qoray. Marka waxaan jeclahay, kuwa waawayn ee Islaamiga in la geeyo maktabadaha caanka ee aan ganacsi ahayn. Kuwaan qoray, wixii ku saabsan Islaamiyaad, waxaan jeclahay in laga dhigo ‘waqfillaahi tacaala’. Kuwa ku saabsan mawaadiicda kale ee wadanka in lagu qoro, xuquuqda daabacaaddu waa‘free’, qofkii raba ayaa daabacan kara, iibsanna kara; laakiin ninka daabacdaa malaha xuquuq gaar ah, laakiin [wuxuu] u daabacay ganacsi, manas heegan karo xuquuqda daabacaadda

 

(4) Ugu dambayn, waxaan ugu ducaynayaa ummadda Soomaaliyeed in uu ILAAHAY kaxoreeyo cadowgeeda koowaad, oo seejiyay if iyo aakhiroba, kana reebay asaagood, kaasoo ah musuqmaasuq.

 

Wabillaahi Towfiiq

2016

 

 

Dardaarme:

Sheekh Cabdiraxmaan Xuseen (AbuuXamsa)

Buugaagta iyo Qoraallada uu qoray
Sheekh Cabdiraxmaan Xuseen Samatar (Abu Xamsa)
1960aadkii – 2016

Sheekh Cabdiraxmaan Xuseen wuxuu ahaa qoraa waayo-arag ah, wax qorayay muddo nus qarni ah, lixdameeyadii ilaa 2016; wax ka qoray arrimaha Islaamka, taariikhda iyo xaaladaha Soomaalida iyo Geeska Afrika.

Qoraalladiisa oo ka badan 50 qoraal, waxay isugu jira buugaag, maqaallo iyo muxaadarooyin, oo ku kala qoran luqadaha Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriisiga.

Buugaagta la daabacay waa 44 buug: 14 Af Soomaali ah, 13 Af Carabi ah iyo17 buug oo ka hadlaya xuquuqda qaxootiga Soomaaliyeed.

Qaybta Af Soomaaliga, oo ah 14 buug, waa 8 uu qoray, 4 uu soo tarjumay iyo 2 uu la qoray mu’alifiin kale.

Waa kuwan magacyada buugaagtu.

Buugta kuwa la tarjumay waa 4 buug

1.         Saaxiibo kasbo

2.         Dhaaf walbahaarka

3.         Hogaamiye.

4.         Cusbooneysiinta Diinta.

Kutubta uu qoray waa 8 buug

5.         Afrika oo u halgamaysa is xoraynteeda labaad

6.         Isirka Soomalida

7.         Halgan

8.         Shirkii ugu yaabka badnaa Dunida

9.         Soomaaliya Maanta

10.      Casriyaynta Dugsiyada Quraanka.

11.      Distoorka aadamigu uu ku mideysan yahay

12.      Afartan Xadiis

La qoray mu’alifiin kale waa 2 buug

13.      Ambiyada Illaahay

14.      Asaaska Islaamka

Qaybta Af Carabiga – 13 Buug

 

الأحداث في الصومال في الفترة 1990 – 2016م

15.             السنوات العجاف الجزْء الأول (1990- 1994)

16.             السنوات العجاف الجزء الثاني (1995 – 1999)

17.             الجمهورية الثالثة في عامين (2000 – 2002)

18.             العالم وجها لوجه في الصومال (2002 – 2006م)

19.             السنوات  السوداء في تاريخ الصومال الجزء الأول (2006- 2007)

20.             السنوات السوداء في تاريح الصومال الجزء الثاني (2008 – 2009)

21.             القرنبين أساما وأوباما في عامي 2009و2010م

22.             القرن الإفريقي بين أسامة وأوباما فى عامي 2011و2012م

23.             السنة الأولي في إعادة سيادة الصومال في عام 2013م

24.             السنة الثاتية في إعادة السيادة الصومال في عام 2014م

25.             السنة الثالثة في إعادة السيادة الصومال في عام 2015م

26.             السنة الرابعة في إعادة سىادة الصومال لعام 2016م

27.             الحل الطبيعي  لقضية القرن الأفريقي

Buugaagta Xuquuqda Qaxootiga Soomaaliyeed

Human Rights Commission for Somali Refugee in the

World –HURCOS; 1995-2012, Sanad kasta 1 buug, – 17 buug

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply