Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Aadan ‘Sandheere’ Oo cadaalada ugu baaqay Eedesaneyaal Dad Rayid ah ku Laayey Degmada Jariiban ee gobolka Mudug

Dil dad rayida loogu gaystay deegaanka Bali-Busle oo hoostaga degmada Jariiban ee gobolka Mudug, dilkaa oo ciidamada amaanka dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ku soo qabqabteen Eedeesanayaashaas, ayaa  Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Aadan Sandheere oo lagasoo doorto deegaanada isaga oo ku sugan magaalada Boston ee carigan dalkan Maraykanka, uu ugu baaqay dawlada Dhexe ee Soomaaliya inay arintaa iyadu ka hawl gasho oo ay gudato waajibaadkeeda Qaran cadaalada la’la tiigsado eedeesanayaashaas.

Xidhibaan Sandheere ayaa u mahad celiyay dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug sida ay isla markiiba gacanta ugu soo dhigeen Eedeesanayaashaas. Dhinaca kale Xildhibaanka ayaa tacsi u diray dadkii ay dhibku kasoo gaadhay Dhacdadan naxdinta badan. Sidoo kalena ugu baaqay Koofiyad baclayaasha beesha inaysan isku dayin inay turo-tureeyaan Cadaalada oo ay muhim tahay in loogu cadaalad falo dadka dhibanayaasha ah iyo bulshada walaalaha ah ee ku wada dhaqan deegaankaa.

Daawo..

Daawo sida ay Galmudug usoo qabteen Danbiilayaashaas.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

Hambalyo: Ereyada Abwaanka Dr.Abdirahman Beileh Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya

Hees Wacan oo Qiiro ku Dheehan Tahay oo loo Qaaday Turkiga

Leave a Reply