Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xasuuqii Af-Urur: Kulan Tacsiyeed Jaalliyadda Puntland ee Edmonton Alberta

Guddiga Jaalliyadda  Puntland  ee magaalada Edmonton  ee  gobolka Alberta ayaa waxay kulan tacsiyeed  iskugu yimaadeen taas oo ay  tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan ehelada dadkoodii lagu xasuuqay Dagaalkii waxshinimada ahaa ee Argigixisada Shabaabku ka  geysteen 8- June, 2017  tuulada Af-Urur ee gobolka  Bari, Puntland Soomaaliya.

Guddiga Jaalliyadu  Waxay kale oo tacsi u diraysaa dhammaan dadka ku geeryooday qaraxyada iyo dagaalada waxshinimada ah ee Argagixisada Shabaabku ka geystaan dhamaan goboladda kale ee Soomaaliya.

Waxaan leenahay inta dhimatay Alle ha u naxariisto, inta dhaawac ahna Alle ha u fududeeyo, Caafimaad sariicana oo deg-deg ah Alle ha siiyo.

Guddiga Jaaliyada Puntland eeEdmontonAlbertawaxay Shacabka Puntland ugu baaqeysaa in ay  xoojiyaan ka hortaga iyo ka  ilaalinta in Argagixisado soo gasho deegaamada Puntland.

Guddiga Jaaliyadu waxay ku baaqaysaa wacyi-gelin Qaabaysan oo looga horto  dagaalka Argagixisada  Al-shabaab oo ka dhaca dhammaan degaamada Puntland oo ay hormood ka yahiin  Culamaaudiinka, Isimada, Siyaasiyeenta iyo aqoon yahanada.

Guddiga Jaaliyada Puntland  ee Edmonton Alberta  waxay  ugu baaqaysaa in Dawlada Puntland  ay Jawaab ka bixiso sababta in mudo ka badan toban sano Argagixisada Al-shabaab dagaal ka wadaan nawaaxiga Gal-Gala, Af-Uruur iyo Boosaaso.

Ugu danbayn Jaaliyado waxay u soo jeedinaysaa shacabka Reer Puntland gudo iyo dibedba ay u midoobaan ka qaybqaadashada ka xoraynta Argagixisada Degaamada Puntland iyo guud ahaanba Dalka Somaaliya.

Sidoo kale Guddiga Jaaliyada Puntland Edmonton Alberta waxay ugu baaqaysaa Shacabka Somaaliyeed  meel ay joogaanba ay u midoobaan la dagaalanka  Argagixisada Al-shabaab iyo cadowkasta oo lid ku ah midnimada qaranka Soomaaliyeed.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply