Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

War-murtiyeedkii kasoo Baxay Shirkii London ee Soomaalida.

Shirkii arrimaha Soomaaliya oo maanta ka dhacay aqalka Lancaster House ee magaaladda London, oo  ay si wadajir ah shir gudoominayeen dowladda UK, madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo xoghayaha guud ee qaramada midoobey ee Antonio Guteres ayaa waxaa laga soo saaray War-murtiyeed.

hirkan oo  in ka badan 42 dowladood iyo ururo caalami ah oo daneynaya arrimaha Soomaaliya ay ka qaybgaleen ayaa  madaxdii ka qeybgashay ay isku raaceen is Soomaaliya uu ka jiro isbedel dhanka horumarka ah.

warmurtiyeedka laga soo saaray ayaa koobayay arrimaha bani’aadanimada, xoojinta amniga dalka, xasilooni siyaasadeed oo loo dhan yahay, dardargelinta dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka iyo qorshaha cusub ee taageeradda dowladda federaalka Soomaaliya.

Akhriso Qodobadii ugu muhiimsanaa ee War-murtiyeedka oo lasoo Koobay.

 

1.  (Humanitarian) Arrimaha bani’aadanimada;

Ilaa shan qodob ayuu ka koobnaa waxaana ugu muhiimsanaa in walaac laga muujiyay xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya xilliga ka jirta, waxaana loogu deeqay $600 boqol oo milyen oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen, lana aqoonsaday dadaalada gudiga gurmadka iyo dadka kale ee is xilqaamay.

 

Dowladda ayaa lagu bogaadiyay sida ay ahmiyad weyn u siisay gurmadka dadka abaaruhu saameeyeen iyadoo sameysay wasaarad qaabilsan arimaha gargaarka.

 

Waxaana la isla gartay in la sameeyo qorshe lagu caawinayo dadka abaartu halakeysey si dhaqaale abuur loogu sameeyo, isla markaana looga fogaado in markale dhibaatada oo kale la kulmaan.

 

2. (Strengthening national security) xoojinta amniga qaranka;

Iyadoo uu qodobkan Waxyaabaha ugu muhiimsan ay  kamid aheyd in taageeray codsigii dowladda Soomaaliya ee ahaa in laga qaado xayiraadda hubka ee saran Soomaaliya si hub iyo saanad military ay soo iibsankarto isla markaana  ay u suurtagasho in ay xasiliso amniga wadanka.

 

Waxaa sidoo kale la isku raacay qorshaha amniga qaranka ee dowladda Sooomaliya iyo maamul goboleedyada ay ku heshiiyeen 16 bishii tagtay.

 

Marka laga hadlayo amniga ayaa waxaa la taageeray horumarainta hanaanka maamul maamliyadeed ee dalka lagu lafaguri doono shir daba socoda kan maanta la qaban doono bisha October ee sanadkan.

 

3. (More Inclusive Stable Politics) xasilooni siyaasadeed oo loo dhan yahay

Qodobkan ayaa waxaa lagu xusey in ahmiyadda ay leedahay hanaanka dibu eegista dastuurka oo keeni kara horumarinta amniga iyo xasiloonida siyaasadda dalka.

 

Xoojinta wada shaqeynta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa la taageeray si doorasho qof iyo cod ah dalka ya ka dhacdo marka la gaaro sanadka 2021.

 

Waxaa kale oo la go’aamiyay ahmiyadda ah leedahay in la sii wado wadahadaladii u dhxeeyay dowladda iyo maamulka Somaliland, iyadoo la soo dhaweeyay hamiga dowladu u heyso arintaas.

 

Waxaan rajeynaynaa in doorashada madaxtinimada ee Somaliland  oo dhici doono November 2017 ay keeni doonto fursad lagu dar dargelinyo wadahadalka  ayaa lagu yiri warmurtiyeedka.

 

Waxaa kale oo la soo dhaweeyay doorka qurbe joogta ee horumarka dalka ay ku leeyihiin.

 

4. (Accelerating Somalia’s Economic Recovery ) dardargelinta dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka

Dhaqaale xoogan in la horumariyo waxaa ay keeneysaa in nolshada dadka Soomaaliyeed kor loo qaado lana sameeyo shaqo abuur.

 

Xoojinta dakhliga gudaha ayaa aasaas u ah in la yareeyo u nuglaansha baaraha in la adkeeyo xasiloonida ayaa qeybka ah horumarinta  iyo u adkeysiga xaaladaha adag una baahan in la sameeyo qorshe horumarineed oo joogto ah.

 

Shirkadaha xawaaladaha  Soomaalida ayaa ah kuwo muhiim u ah nolshada dalka Soomaaliyeed isla markaana waxaa ay qeyb weyn ka qaataan kabaca dhaqaalaha dalka, waxaana loo baahan yahay in la xaqiijiyo bankigayada ay xiriirka ganacsi la leeyihiin, isla markaana la dejiyo shuruucdii lagu hagi lahaa.

 

Waxaa la soo dhaweeyay qorshaha dowladda cusub oo ah la dagaalanka musuqa iyadoo madaxda dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada lagu adkeeyay in ay xoojiyaan arintan isla markaana talaabo adag laga qaado dadka lagu helo musuq iyo wax isdabo marinta.

 

5. (New Partnership for Somalia/Qorshaha cusub ee Taageerada Somaliya)

Qodobka u dambeeya warmurtiyeedka ayaa waxaa uu ahaa qorshaha cusub ee taageerada Soomaaliya iyadoo la garowsday in qorshaha horumarinta qaranka uu yahay kan lagu wada shaqeyn doono, gaar ahaan amniga, dhismaha hey’adaha dowliga ah, xuquuqul insaanka, ku dhaqanka sharciga, maamul wanaaga, la dagaalanka musuqa iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka.

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

Hambalyo: Ereyada Abwaanka Dr.Abdirahman Beileh Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya

Hees Wacan oo Qiiro ku Dheehan Tahay oo loo Qaaday Turkiga

Leave a Reply