Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Safiirka Itoobiya oo Wasiirka Arimaha Dibadu Waraaqihii ka gudoomay.

Waxaan maanta nuqulka waraaqaha Aqoonsiga Danjirennimo uga guddoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Jamaludin Mustafa Omar oo Dowladda Ethiopia ay u soo magacawday Danjiraha Ethiopia ee fadhigiisu uu yahay Muqdisho.

Danjiraha waxaan is weydaarsannay erayo kooban oo ku saabsan sii xoojinta xiriirka labada dal ee deriska ah Soomaaliya iyo Ethiopia. Waxaan si gooni ah isula soo qaadnay qodobbo ay ka mid yihiin deeq Waxbarasho oo ay Ethiopia siiso arday Soomaaliyeed.

Waxaan u rajeynayaa Danjire Jamaludin in uu noqdo mid wax wanaagsan ku soo kordhiya iskaashiga labada dal.

Fadhiga oo aan af Soomaali ku wadahadalnay waxaa goob joog ahaa Xoghayaha Joogtada, Agaasimaha Guud ee Habmaamuuska iyo Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Yuusuf Garaad

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

Hambalyo: Ereyada Abwaanka Dr.Abdirahman Beileh Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya

Hees Wacan oo Qiiro ku Dheehan Tahay oo loo Qaaday Turkiga

Leave a Reply