Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Somali Face iyo Jaamacada Muqdisho oo deeq Raashin ah Gaadhsiiyay dadka Abaartu ku saamaysay Degmada Guriceel G/Galguduud

Iyada oo lagu gudajiro hawlaha balaaran ee gurmadka dagdagga ah ee loo fidinayo dadka soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay abaaraha ba’an ee dalkeena ka taagan, SOMALI FACES iyo Jaamacadda Mogadisho waxay 25/4/2017 deeq raashin ah gaarsiiyeen laba boqol oo qoys oo abaarahu ku saameeyeen  gobolka galguduud gaara ahaan tuuloyin hoostaga Dagmada guriceel.

Deeqdan la gaarsiiyay ayaa isugu jirtay Sonkor, Bur, saliidda cuntada, caana booro,timir iyo caagada biyaha.

Dadka  ka faa’idaystayaasha deeqda ayaa uga mahad celiyay SOMALI FACES iyo Jaamacadda Muqdisho deeqdaan waxayna Allaah ugu baryeen in uu ugu badalo khayr aduun iyi mid aakhiro.

Eng. Abdisatar carabow oo ka tirsan guddiga gurmadka dagdagga ee abaaraha ee jaamacadda muqdisho oo ku hadlay magaca SOMALI FACES iyo jaamacadda Muqdisho ayaa sheegay in ay  diyaar u yihiin kaalmeynta walaalahooda dhibaataysan, intii karaankooda oo aanay marnaba ka hakrandoonin.

Engineer c/sataar carabow ayaa kula dardaarmay dadka soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan iskaalmaysiga, isku  naxariisashada, Allaah na wuxuu ka baryay inuu raxmad iyo  roob na siiyo.

Gudoomiyaha dagmada guriceel Cabdullahi Maxamed Barre ayaa soo dhaweeyay deeqdan kuna tilmaamay mid dagmada  soo gaartay xilli aad loogu baahnaa wuxuu ku amaanay Somali face iyo jaamacadda muqdisho iskaashiga iyo ugurmashada walalahooda somaaliyeed  ee ku dhibaatoobay abaaraha dalka ka dhacay Alle ha naga dulgaadee.

hawlihii kaalma qaybintu waxay ku dhamaadeen si nabad ah iyo jawi aad u dagan.

Cabdinaasir Yuusuf Macalin

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

Hambalyo: Ereyada Abwaanka Dr.Abdirahman Beileh Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya

Hees Wacan oo Qiiro ku Dheehan Tahay oo loo Qaaday Turkiga

Leave a Reply