Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

JAAMACADDA MUQDISHO IYO URURKA SOMALI FACE OO DEEQ GAARSIIYAY BARAKACAYAASHA AY ABAARUHU SAAMEEYEEN EE GOBOLKA SHABEELAHA HOOSE

Jaamacadda Muqdisho iyo ururka SOMALI FACE waxay deeq raashin ah gaarsiiyeen laba boqol oo qoys oo kasoo barakacay gobolka Shabeelaha Hoose  abaaraha daran ee dabadheeraaday awgood.

Deeqda la gaarsiiyay ayaa isugu jirtay Sonkor, Bariis, caana booro, saliidda raashinka, timir iyo caagadaha biyaha lagu dhaansado.

Qoysaska deeqda ka faaiidaystay ayaa waxay isugu jireen qaybaha bulshada sida haween, caruur, iyo odayaal oo kasoo barakacay gobolka Shabeelaha Hoose iyadoo ay saamayn ku yeelatay abaarta sii daba dheeraatay iyo biyo la’aanta kajirtay meelihii ay kasoo hayaameen.

Dadkii kafaa’idaystay ayaa umahad celiyay deeqda qiimaha badan ee ay soo gaarsiiyeen Jaamacadda Muqdisho iyo ururka SOMALI FACE waxayna Illaahey ugu baryeen in miisaankooda ugu kabo.

Ustaad Aadam Axmed Xuseeen (Xerow) oo u hadlay Jaamacadda Muqdisho iyo ururka SOMALI FACE ayaa sheegay in ay markastaba diyaar u yihiin in walaalahooda dhibaataysan ay wixii karaankooda ah aysan marna hilmaami doonin wuxuuna usheegay inay dhexdooda ay usu naxariistaan, iskaalmaystaan Illaaheyna baryaan inuu raxmadiisii roobka nasiiyo wuxuuna umahad celiyay ardayda Jaamacadda Muqdisho iyo maamulkeedaba iyo ururka SOMALI FACE kaalinta markasta ay bulshadooda ay ugu jiraan sidii shacbiga Soomaaliyeed wixii karaankooda ah ay ugu hiilin doonaan.

kaalmadiina waxay kusoo idlaatay jawi qurux badan.

Cabdinaasir Yuusuf Macallin Xuseen

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

Hambalyo: Ereyada Abwaanka Dr.Abdirahman Beileh Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya

Hees Wacan oo Qiiro ku Dheehan Tahay oo loo Qaaday Turkiga

Leave a Reply