Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Baaq: Baho-Nugaaleed oo ka soo saaray xaalada deegaanada Khaatumo

Date:27/03/2017

Kadib falaqayn dheer iyo wadatashi mudo u socday Aqoonyahano, Siyaasiyiin iyo waxgarad qurba joogta Bahanugaaleed ka mid ah waxaanu qiimayn  ku samaynay xaaladda ay maanta ku suganyihiin deegaamada SSC iyo shacabkuba , markaan aragnay khilaafyada badan iyo ismaan dhaafka   siyaasadeed, markaan aragnay inaan cidna keligeed meel gaadhi karin , markaan aragnay sheegasho masuuliyadeed oo aan laysku raacsanayn iyo sii kala qaybinta  bulshada SSC waxaan isla garanay qodobadan hoos ku qoran:

 

1. In midnimada iyo wadajirka dhulbahante ay tahay wax muqadas ah oo qof waliba ka qaato doorka kaga haboon taabagelinteeda.

 

2. In aan taageero buuxda siinayno qabashada iyo guul ka dhalinta shirweynihii dhulbahante ee ay gogasha ku dhigeen buhoodle dhamaan Isimada iyo cuqaasha SSC.

 

3. Annagoo ka duulayna baaqii ay soo saareen 10 ka isim iyagoo u wakiishay in codkooda uu ku hadlo Garaad Abdirzak Garaad  Soofe waxaan si cad oo aan mugdi ku jirin u soo jeedinaynaa in aan koox gaar ihi ku takrifali karin masiirka Goboladda SSC  ilaa laga gaadhayo shirweynaha loo balansan yahay si ay uga soo baxdo  talo buuxda oo ay u dhanyihiin  shacabka SSC gudo iyo dibadba.

 

4. Waxaan baaqan u soo jeedinaynaa reeraha wada dhashay ee ku nool konfurta Sool in ay joojiyaan colaadda dhexdooda ka oogan iyagoo u hogaansamaya nabadda ay hormuudka ka  yihiin culimada ka soo jeeda SSC, annagoo balan qaadayna in aan ku garab galno Culimada iyo waxgaradka ku hawlan qaboojinta colaadaas laba reer ee walaalaha ah.

Allah ayaan talo saranaynaa in uu naga aqbalo talooyinkaas.

Magacyada ku saxeexan Baaqan:

1. Farah mire
2. Ismail Dirie Gamadid
3. Mohamoud Dirie Abdi Joof
5. Abdisalaan Haji Ismail
6. Jamaal Ali Elmi
7. Muse sheikh wacdi – muse Midhiq
8. Abdirashid Xambuuse
7. Sh Abdimslik Sheikh Osman
8. Eng Jama Yasin
9. Hassan Arab
10. Abdillahi sheikhdon
11. Eng Ismail Hassan Jama
12. Mohamoud Mirreh Kilce
13. Abdikadir Isse Oog
14. Abdirashid mohamed Haji Farah

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

Hambalyo: Ereyada Abwaanka Dr.Abdirahman Beileh Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya

Hees Wacan oo Qiiro ku Dheehan Tahay oo loo Qaaday Turkiga

Leave a Reply