Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ardayda Jaamacadda Muqdisho oo Salaad Roobdoon ah ku Tukaday xarumaha kala duwan ee Jaamacadda.

Waxaa xarumaha Jaamcadda Muqdisho lagu tukaday salaad roobdoon ah oo Alle lagu waydiisanayay inuu raxmadiisa ugu deeqo dadka abaaraha iyo biyo la’aanta ay haystaan.

waxay ardayda iyo macalimiintoodaba  Ilaahey waydiisteen in dhibaatadan uu ka saaro iyadoo laga dhabaynayo baaqii uu horay u jeediyay guddoomiya jaamacadda  Muqdisho Dr. Ibraahiim Maxamed Mursal Cali ee ahaa ” in dhamaan bahda Jaamacadda Muqdisho ay isku taagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka deg deg ah  una gaarsiin lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee abaartu kudhufatay gargaar”.

guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha Jaamacadda Muqdisho ahna guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Muqdisho dhanka xiriirka Prof. Maxamed Xuseen Ciise (Liibaan) ayaa mar uu kawaramayay waxa uu sheegay in salaada roob doonka ee maanta ladukaday ay  daahfur utahay hawshii lagu balamay wuxuuna ardayda kula dardaaramay inay guntiga dhiisha isaga dhigaan wuxuuna kula dardaarmay in markasta iyo xaalad kasta labadiyo ducada inuu Ilaahey dadka roob ukeeno.

Fadlan ardayda ka qalin jabisay Jaamacadda iyo kuwa haatan dhigta, saaxiibada jaamacadda iyo inta khayrka jacel ee soomaaliyeed in ay adeegsan karaan akoonadaan hoos ku qoran ayna kusoo diri karaan qofwalba waxa uu awoodo ee karaankiisa ah.

Dahabshil Bank:            MOG0008555

Salaam Bank:               30032889

Premier Bank:                020300017008

EVC :                            61-8454111

                                      61-8454114

guddiga gurmadka abaaraha ee Jaamacadda Muqdisho ma ahan markii ugu horaysay ee ay hawlahaan oo kale ka qayb qaataan, waxa ay hore gargaar u gaarsiiyeen fatahaadihii kadhacay gobolka shabeelaha dhexe sanadkii 2006, abaarihii dhacay sanadka 2011 iyo 2013-ka.

ugu dambayn Jaamacadda Muqdisho waxa ay ugu baaqaysaa dhamaan maamulka, macalimiinta, ardayda dhigata jaamacadda iyo kuwa ka qalan jabiyay shaqaalaha iyo saaxiibada jaamacada dhamaantood inay u istaagaan sidii walaalhood dhibaataysan ay kaalmooyin ugu fidin lahaayeen.

Cabdinaasir Yuusuf Macallin

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

Hambalyo: Ereyada Abwaanka Dr.Abdirahman Beileh Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya

Hees Wacan oo Qiiro ku Dheehan Tahay oo loo Qaaday Turkiga

Leave a Reply