Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

HAYADA QATAR QEYRIYA OO INKABADAN 14,000 AFAR IYO TOBAN KUN OO QOYS OO DANYAR AH GAARSIINEYSA DEEQ LACAGEED.

Hayada Qatar Qeyriyah oo  ka mid ah hayadaha ka howgala dalka soomaaliya bulshada soomaaliyeedna howlo lataaban karo uqabatay oo dhanka samafalka iyo waxbarashada iyo dhibaatada abaaraha iyo biyo la,aanta waxay bilowday howlo deg deg ah oo loogu gurmanayo dadka ay abaaraha biyo la,aanta ay saameeyeen.

Hayada Qatar Qeyriya oo deeqdaan lacageed ugu talagashay qoysaskan oo kala jooga gobolada dalka ayaa qeybtii ugu horeysay waxay ka bilowday magaalada muqdisho iyadoo gobalada ay saamaynta ku yeesheen abaaraha iyo biyo la,aanta ay ka siibilowday howlo deg deg ah lacagahana ay gaari doonto dhawaan.

Ugu horeyn waxaa munaasabada lagu daahfurayey howshan ka hadlay madaxa hayada Qatar Qeyriya  ee dalka soomaaliya  c/nuur xaaji cali  “ Ma, ahan markii ugu horeysay ee ay hayada Qatar  Qeyriya  ka qeyb qaadato howlaha loogu gurmanayo dadka ay saameeynta ku yeelatay abaaraha iyo biyo la,aanta  waxaan sameyn doonaa gurmad balaaran oo intii karaankeena ah aan ugurmaneyno”.

Waxaa isna isla goobtaas ka hadlay sheikh c/xayi sheikh aadan oo kamid ah culimada soomaaliyeed waxa uuna bogaadiyey kaalmadaan iyo hayada Qatar Qeyriya ee soo dhiibtay wuxuuna shacabka soomaaliyeed kula dardaarmay inay iskaalmeeyaan  una duceeyaan dadka walaalahooda oo kaalmeynaya.

Waxaa goob joog ka ahaa safiirka soomaaliya ee dalka soomaaliya Xasan binu xamza oo isaga deeqdan gudoonsiiyey dadkii ka faa iideystay oo ay soogaartay deeqdan .

Deeqdan lacageed oo ay gaarsiineyso hayada QATAR Qeyriyah  dadka ka faa,iideysan doona ayaa waxaa ka mid ah dadka bulshada ugu jilicsan sida  AGOONTA, WAAYEELADA, IYO HAWEENKA .

Hayada Qatar Qeyriyaha  ayaa waxay dalka soomaaliya xafiiskeeda laga furay 2007 waxayna ay qabatay howlo lataaban karo waxaana laga xusi karaa waxbarashada , daryeelka agoonta, qoysaska danyarta ee ay kafaala qaado iyo ka qeybqaadashada ama ugurmashada xaaladahaan ookale marka ay dhacaan.


Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

Hambalyo: Ereyada Abwaanka Dr.Abdirahman Beileh Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya

Hees Wacan oo Qiiro ku Dheehan Tahay oo loo Qaaday Turkiga

Leave a Reply