Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

JAAMAADDA MUQDISHO OO KU DHAWAAQDAY GUDDIGA GURMADKA ABAARAHA, OO KAALMO GAARSIINAYA DADKA KU TABAALOOBAY ABAARAHA.

Maamulka sare ee Jaamacadda Muqdihso ayaa shir aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen maanta oo ah 9/3/2017, ayaa waxay kaga dhawaaqeen “Guddiga GurmadkaAbaaraha ee Jaamacadda Muqdisho”.

Guddigan hawshiisu waxay tahay sidii bahda Jaamacadda Muqdisho uga qayb qaadan lahaayeen gurmadka deg dega ah ee loo fidinayo dadka ay abaaruhu dhibaateeyeen. Guddigan waxaa guddoomiye u ah Prof- Dr-Maxamed Xuseen Ciise “Liibaan” oo ah gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Muqdisho Arrimaha Xiriirka. Waxa uu yiri “ in aan ka dhabeeno in aan dadkeena aan la gaarno kaalmo wax ku ool ah oo deg deg ah”

Waxaa kale halkaa ka hadlay Prof.Dr.Sheikh Axmed Xassan (Qudubi). oo ku dheeraaday kaalinta islaamka oo kaga jiro istaageerida iyo isu damqashadada bulshada islaamka asaga oo soo qaatay aayado iyo axaadiis faro baddan.

Wuxuuna shacbiga soomaaliyeed ku booriyey in ay isu kaalmeeyaan isuna naxariistaaan.

Dhanka kale waxaa qadka taleefanka ugu qeyb qaatay gudoomiyihii hore ee jaamacadda muqdisho ahna xubin ka mid ah gudiga sare ee jaamacadda Muqdisho Prof.Dr. Cali Shiikh Ahmed Abuubakar, oo sifiican uga hadlay ugargaarida shacbiga soomaaliyeed in ay tahay talaabo aad u wanagsan, waxa uu yiri “ Waxaan xusuusin lahaa dadka waxa haysta ama xiliyada kala gadisan wax cuna in ay yareeyaan cuntada ayna gaarsiiyaan walaalahooda u baahan ee ay abaarta ku habsatay”

Sidoo kale waxaa kalimadii hormuudyada Jaamacadda Muqdisho ku hadlay Ustaad Cabdiqaadir Shiikh Axmed Maye, oo balan qaaday in ay kaalintooda ka soo baxayaaan.

Ugu dambeyn waxaa hadalkii qaatay gudoomiya Jaamacadda Muqdisho Dr-Ibrahim Mohamed Mursal Cali , waxa uu yir “ Jaamacadda Muqdisho waxaa markii ugu horeeysay ay bilaawday gargaar cilmiyeed ama waxbarasho 20kii sano ay ugu dambeysane waxa kaalin muuqato kaga jirtay u kaal meynta shacbiga soomaaliyeed, isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Isku filnaansho waan gaarikarnaa markaas ayeey dadka walaalaheena na caawinkarnaa”.

Waxuuna goobta kaga dhawaaqay gudoomiyaha in dhammaan babahda Jaamacadda Muqdisho ay isu taagaan sidii gurmad deg deg ah ay u gaarsiin lahaayeen dadka Soomaalieed ee abaartu kudhufatay, qofkastaana, arday iyo macallinba, uu ku deeqo xoog iyo xooloba intii tabartiis ah.

Sidoo kale, waxaa lagu dhawaaqay in maalinta sabtida ah ee soo socota ay dhamaan ardayda, maamulka iyo macalimiintaba ay tukadaan salaada roobdoonka,oo lagu tukado dhamaan xarumaha Jaamacada Muqdisho.

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Jaamacadda Muqdisho, ma ahan markii ugu horeysay ay howlahaan oo kale kaqayb qaataan. Waxay hore gargaar u gaarsiiyeen fatahaadihii kadhacay gobolka Shabeellaha Dhexe sannadkii 2006-dii, abaarihii dhacay sannadihii 2011-kii iyo 2013-kii.

Ugu dambayn jaamacadda muqdisho waxay ugu baaqaysaa dhammaan maamulka, macalimiinta, ardayda dhigata jaamacada iyo kuwa ka qalanjabiyay, shaqaalaha iyo saaxiibbada Jaamacadda dhammaantood waxay ugu baaqaysaa inay isu taagaan siday walaalahood aabaaruhu wax yeeleeyeen ugu fidin lahayeen hiil iyo hooba wixii karaan kooda ah.

——————————————————————————-

Fadlan ardaydii ka qalinjabisay Jaamacadda iyo ardayda hadda dhigata iyo saaxibada Jaamacadda iyo inta khayrka jecel ku soo hagaajiya Akoonadan.

SALAAMA BANK : 30032889

DAHABSHIIL BANK : MOG0008555.

Mahadsanidiin.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

Hambalyo: Ereyada Abwaanka Dr.Abdirahman Beileh Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya

Hees Wacan oo Qiiro ku Dheehan Tahay oo loo Qaaday Turkiga

Leave a Reply