Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Guddiga Qabqanqaabada Xafladda Caleemasaarka Madaxweyne Farmaajo oo la Magacaabay.

Ra’isul Wasaare K/xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya  Maxamed Camar Carte ayaa magaaladda muqdisho kaga dhawaaqay guddiga qaranka ee qaban qaabadda xaflada caleemo saarka iyo maamuuska ee Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo.

Guddiga oo ka  kooban lix guddi-hoosaad ayaa waxaa loo xilsaaray inay qabanqaabiyaan, islamarkaana xiriiriyaan   hay’adaha u qaybsan qaban-qaabada  caaleemo-saarka xafladda Madaxweynaha, waxaa kaloo gudiga loo xilsaaray jaangooynta kharashaadka ku baxaya caleemo saarka iyo sidoo kale inay magacaabaan xubnaha guddi-hoosaadka xafladda,ayna kormeeraan  howlaha socda.

Xubnaha  Guddiga  qaran ee loo xilsaaray xaflada oo ka kooban 8 qof waa dhammaantood ku jiraan gollaha wasiiradda ee xukuumadii Cumar cabdirashiid ee waqtigeedu dhammaaday, waxaana ka mid ah

  1. Cabdullaahi Axmed jaamac “ Ilkajir” -Guddiga Addegga iyo diyaarinta goobta.
  2. Cabdirisaaq Cumar Maxamed  -guddiga sugida Amniga
  3. C/raxmaan xuseen Odowaa-  Guddiga sugida amniga
  4. Axmed Cali Kediye  Guddiga Habmaamuuska iyo xiriirka Caalamiga.
  5. Maxamed Aadan Ibraahim “Farkeeti” guddiga maaliyada.
  6. Muddane Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Caynte Xiriiriye.
  7. Siciid Xuseen Ciid Guddiga diyaarinta Barnaamijyada
  8. Maxamed Cabdi Xayiri “ Maareeye”  Guddiga Warbaahinta iyo Iclaamka.

Gabagabadii, Guddigan ayaa sidoo kale looga fadhiyaa inay ku dhawaaqaan Waqtiga xaflada iyo goobta lagu qabanayo Xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo aan isagu weli la wareegin xilka madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo inay dhacdo maalinta arbacada ee toddobaadkan.

Ceegaag.com

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

Hambalyo: Ereyada Abwaanka Dr.Abdirahman Beileh Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya

Hees Wacan oo Qiiro ku Dheehan Tahay oo loo Qaaday Turkiga

Leave a Reply