Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha cusub ee J.F.S Mudane Farmaajo ayaa booqday Madaxtooyada

Oo uu wiiga danbe kala wareegi doono madaxwaynhe Xasan Sheekh Maxamuud. Hadaba nala daawo sida uu u dhacday booqashadaasi. Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta markii ugu horeesay isaga oo Madaxweyne ah waxa uu booqasho ku tagay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee dhawaan lagu wado in uu dego kuna shaqeeyo.

Farmaajo iyo xubno kale oo la socday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynhii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna kusoo wareejiyay Madaxweynaha cusub qeybo kamid ah Villa Soomaaliya.

Sida aan Wararka ku heleyno Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan gaar ah xarunta Madaxtooyada kula qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ayna labada dhinac kawada hadleen arimo badan ay ugu horeyso sida ay u dhaceyso xil wareejinta iyo xaflada caleemo saarka.

Waxaa dhawaan la filayaa in magaalada Muqdisho lagu qabto munaasabad balaaran oo xilka ay kula kala wareegayaan Labada Madaxweyne , waxaana Munaasabada xil wareejinta iyo mida Caleemo saarka lagu martiqaaday madax kala duwan oo caalamka ka socota.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

Hambalyo: Ereyada Abwaanka Dr.Abdirahman Beileh Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya

Hees Wacan oo Qiiro ku Dheehan Tahay oo loo Qaaday Turkiga

Leave a Reply