Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Suugaantu waa maxay?

Hidde ahaan, “suugaan” waa erey tilmaamaya mucda ama bilicda wax aayo leh. Sida ay beeralaydu ereygan u adeegsato, marka la sikilo badarka, budada dhuuxa ah ayaa la yiraahdaa “suugaan.” Isla ereygan sida ay raacatadu u adeegsato, dhul roob ku hooray, oo dhirtii ku beernayd ay qurux iyo qaayo la magooshay, ayaa cosobkiisa lagu sifeeyaa “suugaan.” Sida uu qoray suugaanyahan, buuni Cali Jimcaale Axmed, geedaha lagu dhacarto, sida geesariyoodka, ayaa loo yaqaannaa “suugaan.” Dhanka kale, “suugaamis” waa fal uu farshaxanku ku naashnaasho agabka uu geedaha ka qoro, sida: bakoorad, mooye, koor, gambar, iwm. Ereybixin ahaan, haddaba, qoraal iyo oraah, afka (luqada) intiisa nuxurka leh, sidaas awgeedna dhaxalgalka ah, ayaa lagu magacaabaa “suugaan,” taas oo aynnu ku qeexi karno: Xog dhur leh oo dhitaysan.[1]

Kobaca aqoonta aadanaha, oo ku tanaadda dadaallada uu jiil kastaa u galo horumarinta iyo maaweelinta noloshiisa, ayaa keenaysa in la yeesho/helo suugaan laga dheehan karo wacaalaha mahadhada leh ee laga taransanayo nolosha. Guud ahaan, mawduuc (sida: jacayl, guubaabo, iwm) iyo maaddo kasta (sida: bayoolaji, xisaab, iwm), oo aqoon iyo waayo-aragnimo ku urursan tahay, ayaa leh suugaan qoran ama la qaybsan yahay. Iyada oo dhab iyo dhalanteed ah, waxa ay suugaantani ahaan kartaa mid qarniyaal soo taxnayd, oo sooyaal leh, iyo mid haddadan aan taagannahay la curinayo; mid degel qur ah ku kooban iyo mid dunida oo dhan ka sheeggan; mid da’aadaha u kala gaar ah iyo mid ka wada dhexaysa; mid dad samee ah iyo mid Eebbe soo dejiyay. Suugaantu waa casharro taxane ah, oo barashadoodu lagamamaarmaan u tahay iska caabbinta jahliga dilaaga ah.

Muddooyin badan (ka hor 1972) oo ay qoraal la’aan ahayd darteed, Soomaalidu waxa ay leedahay suugaan-oraaheed soojireen ah oo aan badankeeda qoraal la gelin. Suugaantani waxa ay kaydisay aqoonno ay ka mid yihiin xiddigiska, daawo-dhireedda, faalka, xeerka, iwm. Dhanka kale, suugaantan waxaa loogu tegayaa xogo murti iyo madaddaalo leh, sida: sheekooyin, ciyaaro, heeso, maahmaaho, carrabjalaqyo, googaalaysiyo/diinley iyo maanso. Waxa ay suugaantani ahayd/tahay maro ku maran qofka Soomaaliga ah, uur iyo illaa iil. Sababtoo ah, inantii dhalatay hees baa lagu sabay, oo lagu yiri: Boggayga qaboojisooya; kortay oo carruuraha ayay debeed carrabjalaq iyo diinley ku xirtay: Nin xun oo hu’ xun huwan; muddo ka dib beer ayay fashay ama xoolihii ayay dhaqday oo ugu heestay: Roonaadooyin / Soo rooroora; ka dibna dhallintii ayay cayaar gableyshimbir ah, hoobalnimo iyo murtidhaarrinimo meel isaga xirtay; gadaashii na waxa ay ku giistay: Goblan talo adduunyooy / Ma haddaan gabooboo / Laygu qaaday guro awr?[2]

Suugaantaas soojireenka ah, oo badanka ka curatay miyiga, ee Soomaalida waxaa ka mug iyo xiiso weynaatay middeeda casriga ah, badanaa qoran ama ku duuban cajaladaha, ee leh ruwaayado, filimaan, sheeko-faneedyo iyo tixo dhaadheer. Gaar ahaan, ruwaayadaha iyo filimaantu waxa ay suugaanta Soomaalida ku soo biiriyeen qodobbo hor leh, oo ay jilista iyo muusiggu ka mid yihiin. Waxaa xirfad iyo hiwaayad noqday qorista sheeko-faneedyada iyo tixaha dhaadheer ee silsiladaha ah, kuwaas oo suugaanta salkeedii ballaariyay. Guud ahaan, sal-ballaarnaanideeda awgeed waxa ay suugaantu noqotay maaddo dugsiyada iyo jaamacadaha lagu qaato, lagu na takhasuso—oo la derso faracyadeeda iyo waxyaalaha ay ka kooban tahay. Buugaag aan tiro yarayn ayaa laga qoray, laga na qoraa, suugaanta, oo sidaas ayay ku ahaatay xog dhur leh oo u dhitaysan jiilalka dambe.

W/Q: Idiris M. Cali,
Dhanjac: idiris.m.cali@gmail.com

Qoraalkan waxa uu markii ugu horraysay ku soo baxay Garanuug.com.


[1] Waxa aan mahad kal iyo laab ah u celinayaa: Muxammad Yuusuf, agaasimaha Garanuug.com, oo igu dhiirrigeliyay qorista maqaalkan. Sidoo kale waxaan u mahad naqayaa hooyo Luul Y. Suldan, buuni Cali Jimcaale Axmed, macalin Saciid Saalax Axmed iyo laashin Xasan Huruuse, oo si hagar la’aan ah iiga kaaliyay aqoonaynta iyo tayaynta maqaalkan.  Xogo kale oo ku saabsan suugaanta kala soco: A, B, C iyo D.

[2] Meerisyada tusaalayaasha ah, badankooda, ka tixraac: Idiris M. Cali (2015). “Hoobaalo.” Xogjeedin.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

Hambalyo: Ereyada Abwaanka Dr.Abdirahman Beileh Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya

Hees Wacan oo Qiiro ku Dheehan Tahay oo loo Qaaday Turkiga

Leave a Reply