Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweyne Xasan lacagta aad Xayesiineyso Teenii Ma ahan !!

Adigoo gargaar biday ruuxa gacan kusiin kara abaal maanta uu gabay beri yaanu kuu gelin Dadka Soomaaliyeed waxay yiraahdan “ Dhar Aaddan lahayn Dhaxan Kaama Celiyo , waxaana Murtidaan u soo qaatey markii ay ii soo baxdey  arrimo aan is dhihi karo  Khatarteeda ayey leedahay oo Halis gelin kara Jiritaankeenna , iyadoo taasi ay jirto ayaa Dal marka uu ka mid noqonayo Qaramada Midoobey waxaa uu Diwaangeliyaa Dhowr Arimood mid waa Astaanta Calanka oo uu Dalkaasi leeyahay gaar ahaan Midabkiisa si uusan u qaadan Dal kale oo Xorriyada kaga dambeeya , sidoo kale waxay Diwaangelisaa,Tirada Dadka ku nool Wadankaasi (Population),waxaa kale oo Qaramada Midoobeey ay Diwaangelisaa Xuduudaha uu Wadankaasi la leeyahay Wadamada Deriska la ah  ha noqoto dhinaca Dhulka iyo  Badda, waxaa kale oo iyana ay Qaramada Midoobey ay Diwaangelisaa Nooca lacagta uu isticmaalyo Wadankaasi, waxayna Dhamaan Astaamahaasi ay noqonayaan kuwa lagu garto Qaran qaatey Xornimo

Aan soo qaadano Astaana Lacagta oo ah mid ka mid ah  astaamaha uu Qaran leeyahay  waxaana Soomaaliya Qaramada Midoobey uga Diwaangashan lacag  lagu Magacaabo SHILIN oo weliba lagu Xardhaa hadba waxaa uu dalka Taariikh ah uu leeyahay,,hadaba lacagtaasi waxaa lagu jaan gooyaa wax kasta oo uu Wadankaasi leeyahay gaar ahaan marka ay timaado wax kala iibsiga iyadoo Lacagta Shilin Soomaaliga  ay soo martey marxalado  kala duwan , markii aan qaadaney Xoriyada waxaa Qarankii markaasi jirey ay isku qabsadeen magaca ay qaadanayso lacagtaasi, hase yeeshee, waxaa markii dambe la go’aamiyey in la qaato  magaca lacagta SHILIN-ka,waxaana Xiligi Xoriyadda la daabaxay Lacag shilin Soomaali ah oo dadka qaar ay noo sheegeen waxaa ugu weynaa Labaatan Shilin , kadib ayaa waxaa la soo daabacay Boqol Shilin .hase yeeshee dadka waxay si aad ah wax ugu iibsan jireen , Taanno, Kumi ,  Nu-shilin, Shilin,Shan Shilin, Toban Shilin, laabaatan Shilin, Konton Shilin, Boqol shilin, Shan Boqol iyo Kun Shilin oo maanta ka soo hartey Lacagahaas oo dhan

Dowladiihii soo soo marey Soomaaliya Burburkii ka dib waxba kama aysan qaban hoos u dhaca Shilinka Soomaaliga , iyadoo maanta  Shiln Soomaaliga uu marayo meeshi ugu hooseysey , Tusaale Dowladda hadda jirta waxay ku shaqeysaa Doolar , Miisaaniyadeeda waa Doolar, Shaqaalheeda waxay qaataan Doolar , Ciidamada waxaa Mushaar lagu siiyaa Doolar,Waxay wax ku Canshuurtaa Doolar, ,Shay kasta waxaa maanta lagu Sargooyaa Doolar marka maanta sow sax ma aha Haddii aan ku dhiirado in aan iraahdo Dowlada waxay ku faraxdaa in Doolarku qiimahiisa uu sareeyo sidii iney.

iyadu leedahay ,Waxayna taas badelkeeda ka naxdaa  in Shilin Soomaaliga uu qiimo yeesho, Sababtoo ah haddii Shilin Soomaaliga uu qiimo yeesho waxaa Hubaal ah in uu  Doolarka ay Mushaar ahaan u qaataan uu  hoos u dhacayo

Aniga oo taa ka duulaya ayaa waxaa dhacdey in maalintii Khamiista uu Madaxweynaha Soomaaliya uu furo Bank- si gaar  ah loo leeyahay , kana furo Magaalada Muqdisho , Layaabka waxaa weeye  in Magaalada Xulaan Sawirada Madaxweynaha oo u muuqda ruux Xayeysiinya Lacagta Doolarka ee Ameerikaanka, intii uu lacagta Shilin Soomaaliya ku tirtirsiin lahaa qaadashadeeda Bankiyada iyo Shacabka Soomaaliya, Guntii iyo Gabagabadii hadii Cid waliba diidey Shilin Soomaaliga , oo qof waliba ku Xisbaatamo Lacag uusan lahayn Goorba meel noo dambeysaahi Xumaa.

Xigasho:Warqaad

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

Hambalyo: Ereyada Abwaanka Dr.Abdirahman Beileh Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya

Hees Wacan oo Qiiro ku Dheehan Tahay oo loo Qaaday Turkiga

Leave a Reply