shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shiikh Garbashaalle iyo Somalia States

(Khaatumo.  Jan 31, 2012 Ceegaag Online) 

 

Maahmaah: “Nin Daad Qaaday Xunbo Cuskay”

 

Waxaa beryahan danbe saaxadda siyaasadda Soomaaliya aad ugu soo badatay maamulo cusub oo ku salaysan qabiil, iyada oo aad moodo in qabiil walba oo Soomaaliyeed doonayo in uu yeesho dawlad (state) u gaar ah oo aan lala wadaagin. Hadaba arrintani ayaa ah arrin u baahan in laga faaloodo lagana baaraan dego bal waxtarka iyo dhibaatada ay ku leedahay ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan goobaha laga sameeyey maamuladan cusub. Dhawr sua’aalood ayaana u baahan in la isweydiiyo si arrintan loo lafa guro:

  1. 1.     Maxaa kelifay dawlad qabiiladyadan socda?

  2. 2.     Yaa ka danbeeya abaabulkooda iyo dhismahooda?

  3. 3.     Waa maxay xidhiidhka ay la leeyihiin wadamada siyaasadda Soomaaliya daneeya?

  4. 4.     Maxaa dheef  ama dhib ah oo ka soo kordhi kara maamuladan?

  5. 5.     Kaalintee ayay ka qaadan karaan dhisme dawlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay?

  6.  

  7. Waa dood furan oo ciddii wax ka odhanysa loo baahanyahay inay soo bandhigaan ra’yigooda iyo sida ay u arkaan su’aalahaa……..

Waxaan maanta anigu falanqaynta arrintaa ku bilaabayaa sheeko dhex maraysa laba oday oo Soomaaliyeed, kuwaas oo waxa beryahan danbe loo yaqaan fadhi ku dirirka ku saaxiibay; waana Dhunkaal iyo Dhoohane ee akhris wanaagsan:

Dhunkaal: Waa Dhoohane bal ii waran maanta adaa wararka dhegdhegaystee, maxaad war haysaa?

Dhoohane: Waar warkaa dhacye miyaadan maqal in manta 12 qof oo shacab ah kuwii Afrikaanka ahaa ku dileen xamar.

Dhunkaal: Oo maxay u sheegteen belaaya alla ku rid?

 Dhoohane: Waar sow iyaga iyo kuwii magaca lahaa intaa is eryan maayaanoo, meel walba ka baadhi maayaan oo hub la dhici maayaan meeshii kuwaa loogu sheegaba. Waxaa la yidhi meel ay kuwaa ku tuhun sanaayeen bay hoobiyayaal la dheceen, dabadeedna reero meesha deggan baa xabbaddii qabsatay.

 Waar bal adigu maxaad war haysaa?, xalay oo dhanna waan ku soo wacayeyow telefoonkaagu biisi buu ahaaye.

Dhunkaal: Waar anigu xamar iyo dhulkaa maba daneeyoo iminka oo, maalmahan oo dhan waxaanu ku jirnay talakonfarans oo annagu hawlahaa Soomaalidaba  waa ka baxaynaayoo, waxaanu samaysanaynaa dawlad noo gaar qabiilkayaga.

Dhoohane: Haye, oo niyow waxbaan maqmaqlayey beryahanbe oo waxaa la yidhi qabiil kii maamul samaysataba lacag baa lagu qarqinayaa oo halkaasabay ka soo dhowaataye, bal ii waran.

Dhunkaal:  Waar haayoo qolooyinkii aanu markii hore isku maamulka ahayna, dee wixii dunidaasi keentaba iyagaba soo dhaafi mayso. Markaa qola waliba inay halkeeda wax ka malmaluuqato ka maarmi weyday.

Dhoohane: Haye, oo markaa maamulkiinu xaggee buu la haystee, xaggeese  hoos imanayaa?

Dhunkaal: Weger meelna lama haystee waa istayt madaxweynayaashiisii, wasiiradii, baarlamaankii iyo wax walba leh. Federaalka Soomaaliya uun baanu ka mid noqonaynaa marka dawlad faderaal ah oo Soomaaliyeed timaado.

Dhoohane: Hiiiiiiim, walaahay arrintaasi horta meelbay xal u heleysaa. Waar  waatii Soomaalidu isku haysatay oo reer waliba doonayey in uu helo madaxweynaha Soomaaliya, markaa mar haddii qabiil weliba halkiisa uu madaxweyne ku helay aanu cidna weydiisan, allaylehe waa isma cawrido.

Dhunkaal: Waar miyuu waalan yahay, waar anagu waaba badsanaynaa oo waxaanu ka dhigaynaa saddex madaxweyne si aan qabiilka dhexdiisuna uguba wada hadlin, reer waliba waa midkiisa, kaa waa laga dhergeyaa.

Dhoohane: Waar dhunkaal waar arrintaasi waa i gashaye bal aan fekred ka qaatoo kuwagii dhaadhaamiinta ahaa aan arrintan u sheegee sidee wax u bilowdeen. Annagu dad la haystaanu nahayoo dadkale waxay samaysteen hoos jooga, wax aanu  ka dheefnaana ma jirto, si daasaa wax walba naloola   dhaafdhaafayaa.

  Dhunkaal: Waar waxaan ku weydiiye, miyaydaan lahayn kuwo debedahan jooga oo baagamuunda ah iyo kuwo siyasaadda Soomaalida ka soo saaqiday iyo, iyagaa waxaa anaga nooga shaqeeyeyoo wax noo dhoobdhoobay. Waa niman intaa TV yada iyo hoos fadhiya oo sida magacyada loogu bixiyo hayadaha iyo waxaa halkaas ayay ka bawsadeen. Magacan istayt ka xataa waxaa laga soo qaatay baa la yidhi nidaamka maraykanka oo magacyadaa leh. Markaa nimankaa raadi oo meesha ka kac.

Dhoohane:  Waar wax wacan baad ii sheegataye qaar baan wacwacayaaye waa inoo berito, oo bal ii raadi bal meesha lacagaha waxan lagu abaabulo laga helo iyo informayshankaas oo dhan .

Dhunkaal: Haa… waar anaa kuu haya taa, waa diyaare, anaa kugu xidhaya qolooyinka arrimahaas oo dhan idinla dhamaynaya……

Waa socotaa ……………

shiikhgarbashaale@yahoo.com

 

webmaster@ceegaag.com