Maxaabiis ku Xidhnayd
Xabsiga Laascaanood oo Jeelasha Burco Loo Qaaday.
Waxaa Saaka Magaalada
Laascaanood laga Qaaday maxaabiis ku xidhxidhnayd Xabsiga
Laascaanood, maxaabiistan ayaa ahayd Kuwo Lagu soo qabqabtay
banaan bixii Laascaanood ka dhacay ee lagu taageersana
Khatumo, banaan baxayaashan ayaa waxaa ay ahaayeen kuwo in
mudo ab ku xidhna xabsiga Laascaanood, hayeesha waxaa saaka
galinkii hore maxaabiistan loo qaaday magaalada Burco,
maxaabiistan oo u badnaa rag dhalinyaro ah ayaa waxaa
qaadistooda ka danbeysey markii ay Isbuucan gudihiisa
askartii ka hawl gali jirtay saldhig kamid ah saldhigyada
Laascaanood ay Ka goosteen Maamulka Somaliland kuna biireen
Ciidmada ka dagaalamaya Buuhoodle ee hoostaga maamulka cusub
ee Maamul Goboleedka Khaatumo.
Dhawaan ayey ahayd markii
askar ka tirsan Somaliland ay xabsiga ka sii daayeen
maxaabiis ku xidhxidhan ay iyaguna ka goosteen Somaliland,
tana waa ta keentay in maxaabiistii la qaado. Maxaabiistan
ayaa tiradoodu gaadhaysey ku dhawaad 15 maxbuus waxaana loo
qaaday Jeelasha Burco.