Ra'iisul Wasaaraha
Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku
jooga Magaalada Rome, ka dib markii uu casuumaad rasmi ah ka
helay Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa booqday Xafiisyada
Safaarada Soomaaliya si uu ugu kuurgalo hantida Qaranka iyo
xaalada ay ku suganyihiin. Safiirka Soomaaliya Nur Hassan
Hussein ayaa Ra'iisul Wasaaraha ku soo wareejiyey Guryaha
iyo Xafiisyada Safaarada oo badankood uu bur-bur ka muuqday
una baahan dayactir xoogan
Ra'iisul Wasaaraha
Soomaaliya ayaa Safaarada iyo shaqaalaheeda kala qeybgalay
Qado Sharaf ay Safaaradu u sameysey Ra'iisul Wasaaraha iyo
wafdiga la socda.
Sidoo kale Ra'iisul
Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa Jaaliyadda
Soomaaliyeed kula kulmay Rome ugana warbixiyey xaalada dalka,
horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dhanka Amniga,
Dib-u-heshiisiinta, Isku xirka Maamulada dalka iyo Dowladda
dhexe, Maamul Wanaaga, Dastuurka qabyo qoraalka ah iyo Gar-gaarka
Bani'aadanimo. Ra'iisul Wasaaraha ayaa waqti dheer siiyey
Soomaalida oo uu uga jawaabayey su'aalaha ay qabaan, isla
markaana dhageysanayey talooyinka ay Jaaliyadda Soomaaliyeed
u soo jeediyeen Ra'iisul Wasaaraha iyo Dowladda.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa uga
mahadceliyey Jaaliyadda Soomaaliyeed dadaalkooda, kana
codsaday inay sii laba jibaaraan oo ay kaalin xoog leh ka
qaataan dib-u-dhiska dalka